Muqdisho, Nofeembar 23, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Marxuum Cali Cabdullaahi Cosoble.
Madaxweynaha ayaa xusay in marxuumku muddo dheer dalkiisa iyo dadkiisa ugu soo adeegay xilal kala duwan oo uu ka soo qabtay hay’adaha fulinta, sharci-dejinta iyo heer dowlad-goboleed, isaga oo door muuqda ka qaatay dadaallada dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryay in marxuumka uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, dembigiisana dhaafo, qoyskiisa, ehelkiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo
