Madaxweynaha Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in ciidamada Yukreeniyaanku ay doontii dagaal ee Ruushka ka gubeen xeebta Liibiya, isagoo amaanay “howlgal tusaale fiican u ah Yukreeniya in laga jawaabo dagaalka Ruushka”.
Zelenskyy ayaa Isniintii ku sheegay bayaankan in ciidamada Yukreeniyaanku ay sidoo kale ku dhaawaceen dooni qalalan oo Ruush ah, oo uu sheegay inay Ruushku u isticmaashay in hub lagu qaado.
Zelenskyy wuxuu sheegay in Merkury, mid ka mid ah markab dagaal oo cusub oo Ruushku leeyahay, uu hoos u dhacay kadib markii ciidamada Ukraine ay Axadda ku soo tuureen toddobo drone badeed. Sidoo kale wuxuu sheegay in diyaarad dagaal oo KA-27 ah la burburiyay weerarkaas.
Wuxuu xaqiijiyay in ciidamada Ukraine ay sidoo kale weerareen MV Angara, oo ah markab xamuul. Wasaaradda caafimaadka ee bariga Libya ayaa sheegtay in dhammaan shaqaalihii markabka la badbaadiyay oo daaweyn la siinayo.
Maamulka bariga Libya ayaa bayaan ku sheegay in markabku uu ku xiran yahay dekedda markii qaraxu dhacay.
“Markabku wuxuu ku sii jeeday Ruushka waxaana uu istaagay si shidaal loo qaato loona sahlo sahayda. Waxaa la tuhunsan yahay in markabka lagu weeraray diyaaradaha drone-ka”.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
