BALADWEYNE (DAYNIILE.COM)-Waxaa cirka isku sii shareeray xiisada siyaasadeed ee ka taagan Magaalada Baladweyne e xarunta Gobolka Hiiraan taasoo gaartay in dagaal toos ah la isaga hor yimaado, sidoo kalana la isku qabto gacan ku heynta Garoonka diyaaradaha.
Inkastoo dagaaladu waqti badan socon ayaa hadana waxaa muuqa in dhinacyadu sii kala fogaanayaan iyadoo maanta gudaha garoonka diyaaradaha Baladweyne ay shir jaraa’id ku qabteen saraakil hogaamineysa maleeshiyaadka ka soo horjeeda siyaasada Dowlada iyo Maamulka Hirshabelle.
Sarkaal u hadlay macawisleyda ayaa gudaha garoonka diyaaradaha Baladweyne wuxuu kaga dhawaqay maanta in gabi ahaanba uu xiran yahay garoonkaasi diyaarad shacab iyo mid ciidan intaba.
Sarkaalkaan wuxuu ka dhawaajiyay inay ka war heleen in Dowladu dooneysay inay maanta ciidanmadeeda ka soo dejiso garoonka Baladweyne sidaas daraadeedna ay ka hortageen,wuxuu carabka ku adkeeyay in garoonkaasi xiran yahay wixii maanta ka danbeeya.
“Diyaarad shacab iyo mid ciidan kama soo degi karaan waana xirnay garoonka wixii maanta ka danbeeya , anaga nalama xoogi karo laakiin waa nalala macaamili karaa”ayuu yiri sarkalkaasi
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
