Brussels, 19 Nofeembar 2026 – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa si wadajir ah magaalada Brussels ee dalka Belgium ugu qabtay shir heer sare ah oo looga hadlay geeddi-socodka kala-guurka amniga Soomaaliya iyo qorshaha dalka ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga.
Shirka oo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin ka kala socday 50 dal, oo ay ku jiraan dowladaha safka hore, ururrada caalamiga ah iyo kuwa goboleed, ayaa diiradda lagu saaray aragtida Soomaaliya ee mustaqbalka amniga dalka, qorshaha kala-guurka amniga iyo hannaanka istiraatiijiyadeed ee lagu xaqiijinayo in Soomaaliya si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ka qaybgalay furitaanka shirka, ayaa khudbad uu ka jeediyay kaga hadlay geeddi-socodka kala-guurka amniga Soomaaliya, marxaladda uu dalku marayo iyo qorshaha dowladda ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga. Waxa uu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay taageerada iyo iskaashiga saaxiibbada caalamiga ah si loo xaqiijiyo kala-guur amni oo qorshaysan, kuna salaysan mudnaanta iyo baahiyaha dalka.
Jihan Cabdullaahi Xasan, La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Difaaca, ayaa shirka ku soo bandhigtay aragtida iyo qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee geeddi-socodka kala-guurka amniga, iyadoo faahfaahin ka bixisay istiraatiijiyadda dalka ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga.
Sidoo kale, waxaa shirka goob-joog ka ahaa Cabdulxakiim Yuusuf, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, oo shirka la guddoomiyay mas’uuliyiinta Midowga Yurub.
Shirka waxaa sidoo kale khudbado ka jeediyay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda, Olof Skoog; Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika, Annette Weber; Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka AUSSOM, El Hadji Ibrahima; iyo Graham Maitland, Agaasimaha Bariga Afrika ee Waaxda Arrimaha Siyaasadda iyo Hawlgallada Nabadda ee Qaramada Midoobay.
Mas’uuliyiintii shirka ka hadashay ayaa soo dhaweeyay aragtida iyo qorshaha ay Dowladda Federaalka Soomaaliya soo bandhigtay, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah, si loo taageero geeddi-socodka kala-guurka amniga iyo qorshaha dalka ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga.




