Muqdisho, Khamiis, 18 Nofeembar 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa si weyn uga dooday, go’aannana kasoo saaray weerka qaawan ee dowladda Isu-tagga Imaaraatka Carabta ay ku hayso Qaranimadda, Madax-bannaanida iyo Amniga Soomaaliya.
Shirka Golaha Wasiirrada oo shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Wasaaradaha Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah lagaga dhagaystay warbixin la xiriirta heerka weerarka iyo farogalinta Imaaraatka gaarsiisanyahay , waxaa sidoo kale Wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashaandhigga iyo Warfaafinta Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ay soo bandhigeen warbixinno ku saabsan xaaladaha dalka ee amniga, hawlgalada ciidanka, iyo arrimaha bulshada.
Kulanka ayaa looga dooday weerarka ay dowladda Isu-tagga Imaaraatka Carabta ku hayso Soomaaliya, waxaana la faray Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah in ay wadatashi ugu yeerto Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka u qaabilsan Imaaraatka Carabta, islamarkaasna Safiirka Imaaraatka ee Soomaaliya ku wargaliso in uu dalkiisa dib ugu laabto muddo 72 saacadood ah.
Golaha ayaa warbixin ka dhagaystay Tiirka Arrimaha Bulshada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraaha iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, taasi oo ku saabsan xaaladda waxbarashada dhanka xirfadaha iyo farsamada shaqo, waxaana golaha loo soo bandhigay warbixin maqal iyo muuqaal ah oo ku saabsan Mac-Hadka Farsamada dalka ugu weyn oo ay dhigtaan arday gaaraysa 670 qof, iyada oo uu golaha hor yimid Mudane Xasan Maxamed Guutaale oo ah muwaadhin Soomaaliyeed oo tan iyo 1991-dii illaalinayey, kuna guuleystay in uu xafido dhismaha iskuulkaas oo loo yaqiinay Xero Jarmal. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa muwaadhinkan ku tilmaamay halyeey Soomaaliyeed oo mudan in la xuso, wuxuuna ku bogaadiyay shaqada waddaninimo ee uu dalka iyo dadka u qabtay.
Ugu dambayntii, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa golaha usoo bandhigtay warbixin la xiriirta Hirgalinta Hannaanka Waxbaridda Dadka Maqalka La’, waxaana wasiirrada loo shiday cajal ka hadlaya habka iyo luuqadda suul dhabaalaha, iyada oo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, uu xusay in ay waajib dastuuri iyo mid diimeed-ba tahay daryeelka iyo waxbaridda dadka baahiyaha gaarka ah qaba.


