Macawisleyda Hiiraan oo ku fashilmay weerar ay ku qaadeen guriga Hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle

BALADWEYNE (DAYNIILE.COM)- Dagaalamayaal ka tirsan Macawisleyda Gobolka Hiiraan ayaa la soo sheegayaa inay xalay weerar ku qaadeen guriga Hogaamiye ku xigeenka Maamulka Hirshabelle C/fataax Xassan Afrax.

Ciidamada ilaalada Hogaamiye ku xigeenka ayaa iska caabiyay weerarka kaga yimid dhanka Macawisleyda kuwaasoo dhawaan meel fagaare ah ka cadeeyay inay xooga uga saarayaan Baladweyne C/fataax Xasan Afrax ama gacanta ku soo dhigi doonaan.

Xildhibaan reer Hirshabelle ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka macawisleyda uu fashilmay lagana qabsaday qoryo yar yar iyo midka garabka laga rido ee baasuukaha loo yaqaan.

Dagaalka waxaa ku dhintay qof dumar ah sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay 2 ruux kuwaasoo ahaa dhinacyadii dagaalamayay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments