Axmed Madoobe oo weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Xassan

May be an image of dais

KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa hadalo uu ka jeediyay Dekada Kismaayo wuxuu weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud isagoona ku eedeeyay inuu maslaxadiisa gaarka ah ka hor mariyo mida guud.

Axmed Madoobe wuxuu tilmaamay in cabaadku socon doono ilaa iyo inta masaalixda guud ay ka weynaato mida gaarka ah isagoo  ula jeeda hab dhaqanka Madaxweynaha muda xileedkiisu dhamaaday Xasan Sheekh.

Sidoo kale mar uu soo hadal qaaday gogosha Madaxweyne Xasan dhigay Muqdisho ayuu carabka ku adkeeyay inuusan isku aamini karin Xamar ,wuxuu intaasi ku daray in waqtigaani xaalada dalka ay god ku sii dhaceyso.

“Gogol Xamar taala la isuguma tagi karo, maxaa yeelay amni ahaan la isku aamino karo, Wadanku bad baado ayuu u baahan yahay madaama xaalad adag dalku wajahayo” ayuu yiri Axmed Madoobe

Hogaamiyaha Jubaland wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in Dalku  ku socdaa wadadii burburka iyo in siyaasad ahaan la kala tago.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments