Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa xalay munaasabad kooban oo ka dhacday Dekedda Magaalada Kismaayo xarigga kaga jaray dhismayaal cusub oo qayb ka ah mashaariicda dib-u-dhiska, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo casriyeynta adeegyada iyo qalabka Dekedda Kismaayo, kuwaas oo lagu hirgeliyay iskaashiga Dowladda Jubaland iyo shirkadda Abu Dhabi Ports Group (AD Ports Group).
Mashaariicdan la xarig-jaray ayaa ka dhigan wajiga koowaad ee qorshaha ballaaran ee dib-u-dhiska iyo horumarinta Dekedda Kismaayo, kaas oo looga gol leeyahay in dekedda laga dhigo xarun ganacsi oo casri ah, korna loo qaado awooddeeda shaqo, tayada adeegyada iyo kaalinta ay ku leedahay kobaca dhaqaalaha Jubaland.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa daahfuray dib-u-hawlgelinta xafiisyada iyo waaxyaha kala duwan ee Dekedda Kismaayo, kuwaas oo dib-u-habeyn iyo casriyeyn lagu sameeyay, si loo dardargeliyo howlaha shaqo, kor loogu qaado hufnaanta maamulka iyo tayada adeegyada ay dekeddu u qabato ganacsatada iyo bulshada.
Intii ay munaasabaddu socotay, Madaxweynaha Dowladda Jubaland ayaa warbixin faahfaahsan ka dhageystay maamulka Dekedda Kismaayo iyo mas’uuliyiinta shirkadda gacanta ku haysa dib-u-dhiska iyo horumarinta dekedda, kuwaas oo Madaxweynaha la wadaagay qorshayaasha iyo wajiyada xiga ee mashaariicda horumarineed, iyo tallaabooyinka loo qorsheeyay sii ballaarinta iyo casriyeynta kaabeyaasha dekedda.
Munaasabaddan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda Jubaland, mas’uuliyiinta iyo maamulka Dekedda Kismaayo, wakiillo ka socday shirkadda gacanta ku haysa dib-u-dhiska iyo horumarinta dekedda, iyo howlwadeennada kala duwan ee Dekedda Kismaayo.
Hirgelinta wajigan koowaad ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Jubaland ay ku xoojinayso horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, dhiirrigelinta maalgashiga iyo kobcinta ganacsiga, iyadoo Dekedda Kismaayo ay door muhiim ah ku leedahay isku xirka ganacsiga gudaha iyo kan caalamiga ah.



























