Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS, Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa magaalada Oslo kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Norway, Mudane Espen Barth Eide. Kulanka ayaa qabsoomay intii uu socday shirka Wasiirrada Nordic iyo Afrika.
Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo ballaarinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada ay danaha wadaagga ah ka leeyihiin.
Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee taageeraya mudnaanta qaranka, danaha wadajirka ah, nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo horumarka.

