Xuutiyiinta oo jab xoogan la gaarsiiyay

Ciidamada uu hoggaamiyo Sacuudiga ayaa sheegtay inay fuliyeen hawlgal ka dhan ah dagaalyahanada Xuutiyiinta yemen ee taagerada ka hela Iran kuwaasoo weeraro iyo dagaalo joogta ah ku haya Dowlada yemen ee caalamku aqoonsan yahay.

Isbahaysiga Sucudigu hogaamiyo oo war ka soo saaray howlgalo duqeyn ah oo ay ku qaadeen xuutitiinta ayaa shaaciyay inay 60 bartilmaameedyo militari oo Houthi ah gudaha Yemen, Sidoo kale waxay sucuudigu sheegeen inay baabi’iyeen tunnel-ka ay kooxda hubaysan u isticmaali jireen.

tunnel-ka laga burburiyay kooxda xuutiyiinta waxay u adeegsan jireen keydinta gantaallada, sida uu sheegay afhayeenka isbahaysiga Sucuudiga Turki al-Maliki kaasoo intaasi ku sii daray subaxnimadii Arbacada duqeymahooda ay ka dhaceen gobollada Sanaa, Hodeidah, Amran iyo Saada Talaadadii.

Xiliga duqeymaha dhacayen dagaalyahanada xuutiyiinta waxay u dhaqaaqayeen magaalada koonfureed ee Aden, oo ah caasimadda ku meel gaarka ah ee dowladda caalamiga ah aqoonsan tahay ee Yemen.

Maalmihii ugu dambeeyay, ciidanka Yemen iyo xoogagii u daacad ahaa waxay ka baxeen garoonka diyaaradaha Dhubab iyo dhulka ku wareegsan marinka Badda Cas ee Bab-al-Mandeb, oo ah meel muhiim ah oo istiraatiiji ah oo ku taalla gobolka Taiz ee galbeedka, si ay u difaacaan Aden.

Meelo kale oo Yemen ka mid ah, dagaalku wuxuu dib ugu soo laabtay ciidamada dowladda iyo Houthis-ka ee Tur al-Bahah ee gobolka Lahij.

Hadeel al-Yamani oo ka socota Al Jazeera oo jooga Taiz ayaa sheegtay, “dhulka ayaa dagaalo culus ka socda oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxda Houthi.”

“Maamullada deegaanka ayaa ku eedeeyay kooxda Houthi in ay rasaas ku tuurayaan dadka rayidka ah iyo xaafadaha la deggan yahay,” ayey tiri al-Yamani.

“Tuulooyinkan Jabal Sabr waxay hoos yimaadeen ciriiri buuxa. Waxaa jira baaqyo degdeg ah oo lagu doonayo in daboollo ammaanka ah loo furo dadka rayidka ah, waxaana maalin kasta dhacaya weeraro sniper ah oo lagu bartilmaameedsanayo dadka rayidka ah. Dad ayaa la dilayaa oo dhaawacaya, gaar ahaan carruurta iyo dumarka,” ayay ku dartay al-Yamani.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments