SHENZEN (DAYNIILE.COM)-Magaalada Shenzen ee Dalka Shiinaha waxaa isugu tagay Madaxweynayaasha sedexda dal ee ugu awooda badan Dunida marka la eego dhanka Milateriga kuwaasoo kala ah Shiinaha,Ruushka iyo Maeykanka.
Shirkaani indhaha lagu wado hayo ee u dhexeeya Madaxweyne Donald Trump ee dalka Mareykanka, Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa looga hadlayaa dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil ee Iiraan iyo dagaalka Ruushka ee Ukraine, iyo sidoo kale hubka nukliyeerka, ganacsiga iyo sirdoonka macmalka ah.
Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo marti loo yaqan ayaa
Khudbadiisa furitaanka, wuxuu ku booriyay taageerada ganacsi xor ah oo furan, wuxuuna ku baaqay furnaan, hal-abuurnimo iyo wada-shaqeyn dheeraad ah.
Shirka sedexda Madaxweyne ayaa lagu tilmaamay mid la mid ah shirkii Yalta ee xilligii dagaalka ee 1945, halkaasoo Mareykanka, Boqortooyada Midowday iyo Midowgii Soofiyeeti ee markaas jiray ay ku heshiiyeen nidaamka ka dambeeya dagaalka. Laakiin awoodahaa waxay ahaa xulafo intii lagu jiray dagaal caalami ah.
Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in saddexda Madaxweyne ay wataan ujeeddooyin aad u kala duwan, isla markaana ay yara tahay in la filan karo natiijooyin dhab ah.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
![Trump walks with Xi as he arrives at Shenzhen Bao'an International Airport, November 18, 2026 [AP Photo/Mark Schiefelbein]](https://www.aljazeera.com/wp-content/uploads/2026/11/ap_6afe5c4970b48-1795054665.jpg?w=770&resize=770%2C513&quality=80)



