MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu soo geliyay bartiisa X wuxuu weerar afka ah ku qaaday La-taliyaha Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Anwar Mohammed Gargash kaasoo isagana barta X ku shaaciyay in Madaxweyne Xasan dalkiisa ku qaaday weerar diblomaasiyasadeed.
Anwar Gargash wuxuu intaasi ku daray in Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh uu danihiisa shaqsiga ah ka hormarinayo danta guud ee Somalia,hadalka Anwar Gargash wuxuu soo dedejiyay jawaabta culus ee Wasiir Fiqi.
Wasiir Fiqi wuxuu ku eedeeyay Anwar Gargash in dalkiisu dhaqaale ku bixiyaan iska hor keenka umadda Soomaaliyeed,Wasiir Fiqi wuxuu si cad qoraalkiisa barta X ugu nuux nuuxsaday in lacagtoodu meelna tagi doonin.
Sidoo kale Wasiika Difaaca Soomaaliua Axmed Macalin Fiqi wuxuu Anwar Gargash u tilmaamay inuu soo bartaan taariikhda Soomaalida ka hor inta aysan ku soo degdegin.
“Soo baro taariiqda umadda Soomaaliyeed, Lacagtiina waxba uma dhimi karto midnimadeena iyo wada jirka Soomaalida,sidoo kale waxaan leenahay lacagtiinu meelna ma gaari doonto” ayuu mar kale yiri Wasiir Fiqi
Sidoo kale Wasiir Fiqi oo qoraal labaad daabacay ayaa ku eeedeeyay Anwar Mohammed Gargash faragelin ku saabsan dhanka doorashooyinka Somalia isagoona ku yiri yaa awood kuu siiyay in aad go’aan ka gaarto goorta uu madaxweyne wadan xor ah uu xilka ka tegaayo.
Dhanka kale siyaasigaan carbeed hadii taariikhdiisa dib loo milacsado magaciisu waa Anwar Mohammed Gargash, waa siyaasi Emirati ah iyo La-taliye sare oo diblomaasiyadeed oo u ah Madaxweynaha UAE, isagoo xilkan haya tan iyo 2021 ka dib 13 sano oo uu ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Hoose.
Kahor inta noqon Wasiirka Arrimaha Golaha Qaranka Federaalka, wuxuu door muhiim ah ka ciyaaray doorashadii ugu horreysay ee UAE iyo heshiiskii nabadaynta Israel–UAE ee 2020.
Waa aqoonyahan siyaasadeed oo PhD ka qaatay Cambridge, sidoo kale waa hogaamiye dhaqameed iyo xubin guddiga ah oo ka tirsan hay’adaha muhiimka ah ee UAE, wuxuu dhashay 1959-kii sidaas daraadeed waa 67 jir.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM

