Inkastoo Dowlada Somalia xiriirka u jartay Imaaraadka ilamarkaana shalay Madaxweyne Xasan ku celiyay eedeyntiisa ah in Imaaraadku faragalin ku hayaan arimaha u gaarka ah Somaliya ayay hadana wali saameyn ku leeyihiin ganacsiga iyo amniga Somalia.
Imaaraadku waxay kaalin weyn ku leeyihiin amniga Xamar ka jira madaama ay iyagu soo tababareen ciidamada Booliis-Milataariyo kuwaasoo ilaa hadana amniga caasimada ka suga banaanka iyo gudaha caasimada Muqdisho.
Sidoo kale Imaaraadku waxay ku danbeeyaan waqti xaadirkaan maamulada dalka sida Somaliland iyo Puntland oo ay calaaqaad siyaasi ah iyo mid ganacsiba ay la leeyihiin walow Dowlada Somalia dhawaan erisay xiriiirkana u jartay.
Shirkadda DP World ee laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta waxay maamushaa dekedda Berbera ee dhulka Maamulka Somaliland iyagoona boqolaal milyan ku maal geliyay Dekadaasi.
Sidoo kale Imaaraadku waxay hore uga qeyb qaateen dhanka gargaarka bini’aadannimo iyagoona Soomaaliya ka fuliyaa mashaariic gargaar ah sida abaaruhu saameynta ku yeesheen
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
