Ameerikaankii sida xun u jir dilay Ninka Soomaaliga ah oo lagu soo oogay dacwad isku day dil ah

Hennepin County Attorney Mary Moriarty announces charges related to an attack on a rideshare driver during a news conference, Tuesday, November 17, 2026, in Minneapolis [Ellen Schmidt/AP]Nin 25 sano jir ah ayaa lagu soo oogay dacwado isku day dil iyo ka qaadista baabuurka ee gobolka Minnesota kadib weerar lagu qaaday darawal Uber ah oo Soomaali-American ah kaasoo dacwad oogayaasha ay ku tilmaameen mid aad u naxdin badan’.

Mohamed Yusuf oo ah  51 jir Somali ah ayaa dhaawacyo xun waxaa ka soo gaaray jir dil uu u geystay 25 jir cunsuri Ameerikaan ah, Somali-Amerivan-ka hada Isbitaalka yaal waxaa ka jabay feer,sidoo kale lug ayaa jajaban, sidoo kale waxaa  dhaawacyo ka soo gaareen laf-dhabar-ta, sambab dillaacay iyo dhiig-bax gudaha ah.

25 jirka cunsuriga ah wuxuu ninka Somaliga ah ku garaacay suunka kursiga ee biraha leh ,sida lagu sheegay dukumentiyada maxkamadda, Qoyska ninka Soomaaliga ah  waxay sheegeen inuu ku jiro xaalad miyir beel.

“Waxay ahayd weerar aad u naxdin badan,” ayay tiri Mary Moriarty, Qareenka Degmada Hennepin, Talaadadii.

Waxay sheegtay in xafiiskeedu ku soo oogay Samit Apurva Patel hal dacwad oo isku day dil heer labaad ah iyo hal dacwad oo xado gaari heer koowaad ah oo ku saabsan weerarka Yusuf bishii Noofambar 14. Patel waxaa la xidhay Sabtidii.

Qoyska Yusuf waxay sheegeen in weerarku ku salaysnaa nacayb, halka difaaca xuquuqda madaniga ah ay ku baaqeen baaritaan dambiga nacaybka ah.

Xeer-ilaaliyayaashu waxay sheegeen in cadeyntu aysan cadeyn karin ilaa shaki la’aan in dhaqanka Patel uu ku salaysnaa takoorka, inkastoo taas “aysan dhimin xanuunka qoyska iyo bulshada Soomaalida ay hadda dareemayaan,” ayay Moriarty tiri.

Dukumentiga maxkamadda ayaa sheegay in Yusuf uu telefoonka kula hadlayay walaalkiis, oo sidoo kale ah darawal Uber, markii Yusuf uu rakaabka qaaday saacadda 1-dii subaxnimo Sabtida. Walaalkiis ayaa la sheegay inuu maqlay rakaabka oo Yusuf u sheegay in uusan jeclayn magaca Maxamed.

“Waxaa muuqata in laga soo saaray gaariga oo uu taagnaa meesha markii Pate..

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments