Dalalka Carabta ee Mareykanku saldhigyada ku leeyahay iyo weerarada Iran maxaa kala heysta

Air Force Kuwait Deployment at Tristan Oflaherty blogKuwait waxay sheegtay in nidaamyadeeda difaaca cirka ay ka hortagayaan weerarada ‘cadawga’ ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyagoo xusay in dhawaaqyada qaraxyada ee laga maqlay dalka ay ka yimaadeen nidaamyada qabashada.

Dowlada Kuwait weli ma sheegin halka weerarada ka yimaadeen, halka Iran ay sheegatay inay Mareykanka ku weerartay saldhigyadooda Kuwait, Sidoo kale Bahrain ayaa ku eedeysay Iran ‘weeraro dambiyeed’ ka dib markii ay soo saartay labo digniin khatar oo degdeg ah, iyagoo shacabka u sheegay inay deganaan muujiyaan

Sarkaal Mareykan ah ayaa Al Jazeera u sheegay in goob lagu soo eryay gantaal ku taal Jasiiradda Qeshm ee Gacanka Hormuz la weeraray si looga jawaabo weerarkii Iran ee hore uga dhacay saldhig Mareykan ah oo ku yaal Bahrain.

Houthis-ka Yemen ayaa sheegtay weeraro diyaarado aan duuliyaha lahayn ku saabsan saldhigyada shidaalka ee ka shaqeeya dhuumaha saliida Bariga-Galbeedka ee Sacuudiya, halka mas’uuliyiinta Sacuudiga ay sheegeen in diyaaraddo aan duuliyaha lahayn lagu qabtay meel u dhow Riyadh.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments