Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Ayaa maanta gacanta ku dhigey maandoooriye farabadan oo si kotorabaan ah ugu socdey gudaha Xabsiga dhexe
Maandooriyahaan ayaa lagu qabtey Shabakad ka macaashta Maandooriyaha lagu harqiyo Dhalinyarada soomaaliyeed oo labadii bilood ee ugu dambaysay uu ku raad joogey Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ugu dambayn gacanta ku dhigey xili ay eedeysanayaasha kaniiniyaal ku soo qariyeen Raashiinka loogeeyo maxaabiista maalinta Booqashada ehellada maxaabiista. Maandooriyaha la qabtey ayaa u badnaa kaniiniyaal daroogo ah oo aad u tira badan
Waaxda Dabagalka Dembiyada Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo kaashanaysa Taliyaha Xabsiga Dhexe iyo Saraakiisha maamusha Xabsiga Dhexe ayaa ku raad joogey shabakaddaan isku xiran oo isugu jirta Maxaabiis iyo Dad ehellada maxaabiista ah iyo kuwa qaab been abuur ehelnimo sheeganaaya ku booqda gudaha Xabsiga kuwaas oo ku mideysnaa shabakaddaan ka macaashta maandooriyaha la geliyo Gudaha xabsiga
Waxaa gacanta lagu dhigey eedeysanayaal gaaraaya 6 dumar ah oo dhamaantoodna ka ku howlanaa sidii maandooriyahaan Xabsiga lagu geyn lahaa
Kadib wax kabedelkii lagu sameeyey habraaca Booqashada maxaabiista ayaa waxaa Suura gashey in waaxda Adeega Dadweynaha Ciidanka Asluubta soomaaliyeed oo kaashanaysa waaxda dabagalka Dembiyada Ciidanka Asluubta in ay si dhab ah u ogaadaan Xogta ehellada Maxaabiista iyo kuwa ka been abuurta oo sheegta inay ka mid yihii ehellada Maxaabiista iyadoo ujeedku yahay gudbinta waxyaabaha Maandooriyaha ah.
Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ku wareejiyey eedeysanayaasha iyo marag muujintooda Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed si loo horgeeyo sharciga. Waxaa Sidoo kale lagu raadjoogaa Shabakado kale oo la tuhunsanyahay inay ku lug leeyihiin ka macaashka Maandooriyaha sida kotorobaan ah loo geliyo Gudaha Xabsiyada Dhexe







