Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Bariga dhexe

Markabka dagaalka ee Mareykanka islamarkaana xanbaara diyaaradaha dagaalka USS Theodore Roosevelt ayaa soo gaaray Bada Bariga Dhexe isadoona ku biiraya laba Markab kale oo ka howlgala aaggaasi

Imaanshaha Markabka Dagaalka USS Theodore Roosevelt wuxuu kor u qaadeyaa cabsi laga qabo weerarro cusub oo lagu qaado Iiraan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan Abbas Araghchi ayaa ku baaqay iskaashi kor loogu qaadayo tamarta la leh deriska soo saara saliidda iyo gaaska, isagoo ka digaya in weerarro cusub oo Mareykanka iyo Israa’iil ay khatar gelinayaan xasilloonida guud ee gobolka.

Ilaalada Kacaanka ee Iiraan ayaa sheegaya in dhowr markab oo shidaal ah oo qeybta koonfureed ee Badda Hormuz ku socday iyada oo aan “ogolaansho” la helin ay ku dhuftay miino badeedyo oo dab qabsaday iyadoo qiimaha saliidda kor u kacayo.

Mas’uul sare ayaa sheegay in Tehran “aysan sugi doonin in Mareykanku weerar ku qaado marka hore” wuxuuna soo jeedinayaa in Washington laga yaabo inay waqti ku iibsanayso diblomaasiyad si ay u diyaariso weerar kale oo weyn.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments