Wasiir Fiqi “Mucaaradka waxay si toos ah u taageereen argagixisada”

Wasiirka difaaca  Dowlada Somalia Axmed Macalin (Fiqi) ayaa weerar afka ah ku qaaday saaxiibadiisa mucaaradka Dowlada isagoona ugu horeyn ku eedeeyay inay yihiin bilaa ajande.

“Mucaaradka bilaa ajanda ah markii derbi ay cuskadaan waayeen waxay qarka u saaran yihiin inay dhahaan gogosha wadahadalka hala keeno Hogaamiyayaasha Alshabaab iyo Daacish” ayuu yiri Wasiir Fiqi

Wasiir Fiqi qoraalkiisa oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-

Mucaaradkii bilaa ajendaha ahaa markii derbi ay cuskadaan waayeen waxay qarka u saaran yihiin in ay yiraahdeen “ gogosha wadahadalka hala keeno; Axmed Diiriye Abu cubayda amiirka kooxda khawaarijta iyo Cabdulqaadir Muumin Amiirka kooxda Daacish”.

Horay waxay u taageereen si toos argagixisada, waxay u rajeeyeen in ay dalka qabsadaan, waa buunbuuniyeen, awood aysan lahayn ayay siiyeen haddana waxay taagan yihiin hadal la mid ah Abu Cubayda iyo Mumin fadhiga hala keeno!

Kooxda Golaha Mustaqbalka Madow waa niman u soo tafaxaytay in dalka cadow shisheeye iyo argagixiso u loogaan, waana geedkii ay saarnaayeen hoos ka goynaya oo aan ogeyn in ay yihiin kuwa ugu nugul dhicitaanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments