Dowlada Kenya oo shacabkeeda uga digtay roobab dabeyla wata oo dhawaan la filayo inuu da’o

Sida aan ka soo xiganay Idaacada BBC-da Waaxda Saadaasha Hawada Kenya ayaa saadaalisay roobab fudud iyo kuwo dhexdhexaad ah oo ka da’i doona gobollo kala duwan oo dalka ah, iyadoo dabeylo xooggan oo xawaarahoodu ka badan yahay (12.5 mitir ilbiriqsigiiba) laga filayo qaybo ka mid ah gobollada Marsabit iyo Turkana.

Waaxdu waxay dadka ku nool deegaannada ay saadaashu khuseyso uga digtay inay taxaddar muujiyaan, isla markaana la socdaan isbeddellada cimilada.

Saadaasha toddobaadlaha ah ee muddada u dhexeysa 10-ka ilaa 16-ka November 2026, ayaa lagu sheegay in roobab laga filayo qaybo ka mid ah dhammaan 47-ka gobol ee Kenya. Meelaha qaarkoodna waxaa la filayaa in roobabku da’aan subaxdii, galabtii iyo habeenkii.

Gobollada la filayo inay roobab helaan saacadaha subaxda waxaa ka mid ah Nairobi, Kiambu, Machakos, Meru, Nyeri, Kisumu, Kisii, Homa Bay, Migori, Turkana iyo Wajir.

Sidoo kale, roobab ayaa laga filayaa deegaannada xeebaha ee Kwale, Mombasa, Kilifi, Tana River iyo Lamu.

Saadaashan ayaa imaneysa xilli ay sii kordhayaan walaaca laga qabo suuragalnimada in dalka ay saameyso cimilada El Niño.

Dadka ku nool xaafadda isku raranta ah ee Kibera ee magaalada Nairobi ayaa ka cabsi qaba in roobab xooggan ay sababi karaan fatahaado halis geliya noloshooda.

Cabsida dadka deegaanka ayaa sidoo kale salka ku haysa fatahaadihii dhacay 6-dii March, kuwaas oo ay ku dhinteen 60 qof oo ku sugnaa Kenya, kaddib markii roobab xooggan oo habeenkii da’ay ay sababeen burbur ballaaran.

Walaaca ayaa sii kordhay kaddib digniino sheegaya in El Niño-ga la filayo uu noqon karo kii ugu xoogga badnaa ee abid la diiwaangeliyo, isla markaana uu sababi karo cimilo aad u daran oo saameysa meelo kala duwan oo dunida ah.Roobab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments