NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kentya ayaa meydkeeda laga helay guri ka mid ah kuwa Soomaalidu degaan xili warar kala duwan ay ka soo baxaya qaabka dhimashadeeda.
Wararkii horudhaca ahaa shalay waxay sheegeen inay dabaq iska soo tuurtay balse warar maanta soo baxay ayaa sheegaya inuu jiro tuhun ah in la dilay gabadha islamarkaana si ula kac ah looga soo tuuray dabaq.
Gabadhan oo caan ka ah barta TikTok ayaa lagu magacaabi jirey Fatxi, ehaladeeda ayaa dalbanaya in baaritaana lagu sameeyo sidaas oo kalana la iska aaso.
Sanadahaan danbe waxaa kenya ku soo badanaya Soomaalida la sheegayo inay dabaq iska soo tuureen xaalado kala duwan taasoo shakiyo badan laga muujinayo madaama Soomaalidu yihiin dad muslimiin ah islamarkaana lagu yaqaan dhaqamadaam dadka aan muslimka ahayn.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

