Beesha Caalamka oo mar kale isu keeneysa Dowlada iyo Mucaaradka

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Qaar ka mid ah dalalka la isku yiraahdo Beesha Caalamka ee daneeya arimaha Somalia ayaa mar kale xooga saaraya sidii ay isugu keeni lahaayeen Dowlada Somalia iyo Mucaaradka kuwaasoo waqtiyadaan danbe aad u sii kala fogaanaya.

Mareykanka,Britain iyo Turkey ayaa ugu cad cad dalalka hada ku howlan inay sida ugu dhaqsiyaha badan u qabtaan kulan looga heshiin doono doorashooyinka soo aadan si la isku raacsan yahay iyo waqti la isku raacsan yahay.

Wararka ku saabsan kulankaan ayaa sheegaya in lagu casuumay mucaaradka oo ay ku jiraan Hogaamiyayaasha Puntland iyo Jubaland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ,labadaan hogaamiye waxaa si gaar ah loogu balan qaaday in amnigooda si gaar ah loo sugi doono.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni waxaa si gaar ah loogala hadlay ciidamada howlgalka AUSSOM inay amnigooda gacanta ku hayaan marka ay Muqdisho soo gaaraan madaama ay ku kalsoonayn ciidamada Dowlada Somalia.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments