SAWIRRO: Madaxweyne Xasan oo xarigga ka jaray dhismeyaasha cusub ee xarunta Golaha Wakiillada iyo Wasaaradda Amniga ee Hirshabelle

Jowhar, Nofeembar, 09, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismeyaasha cusub ee xarunta Golaha Wakiillada iyo Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, kuwaasi oo qaab casri ah loo dhisay.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey hoggaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle dadaalka ay ku bixinayaan dhismaha iyo tayeynta xarumaha dowliga ah, isaga oo xusay in maalgelinta kaabeyaasha hay’adaha dowladdu ay muhiim u tahay horumarinta adeegyada bulshada, hufnaanta maamulka iyo xoojinta dowladnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay xubnaha Golaha Wakiillada Hirshabeelle in ay si masuuliyad leh u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, ilaaliyaan midnimada iyo wadajirka bulshada, isla markaana ay go’aannadooda ku saleeyaan danta guud iyo horumarka dadka ay metelaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments