Hogaamiyaha cusub ee Galmudug oo sheegay inuu Alshabaab ka saari doono dhulalka ay ka heystaan Galmudug

DHUUSA-MAREEB (DAYNIILE.COM)-Hogaamiyaha cusub ee Galmudug Liibaan Axmed Xasan ayaa daboolka ka qaadau inuu waxqabadkiisa koowaad ka dhigi doono la dagaalanka Kooxda Alshabaab kuwaasoo gacanta ku heyo deegaano badan oo Galmudug ka tirsa.

Liibaan Axmed Xasan wuxuu carabka ku adkeeyay in Alshabaab ay  ka saari doono dhulalka ay ka heystaan Galmudug kadibna ay u jiheysan doonaan inay ka caawiyaan Maamulada kale sidii ay Alshabaab isaga dulqaadi lahaayeen.

“Kooxda argagaxisada ah waxay u adeegaan gacmo shisheeye,dhawaa guluf dagaal ayaan ku qaadeynaa” ayuu yiri Hogaamiye Liibaan Axmed Xassan

Hogaamiyaha wuxuu xusay inay la dagaalanka Alshabaab la kaashan doonaan  kaashaneyna Dowlada Faderaalka Somalia iyo maamul goboleedyada Dalka

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments