MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalo uu xalay ka jeediyay Magaalada Dhuusamareeb wuxuu mar kale weerar afka ah ku qaaday mucaaradka hubeysan ee ka soo horjeeda Dowlada uu hogaaminayo xiligaan.
Madaxweyne Xasan wuxuu ka dhawaajiyay inay jiraan siyaasiyiin mudan in xabsiga la dhigo hadii sharciga la raacayo balse ay Dowladu waano ku heyso siyaasiyiinta halkii ay xiri lahayd.
“qaar badan oo siyaasiyiinta ka mid ah oo xirmi lahaa ayaa jira hadii qaanuunka la raaco laakiin Dowladu ay intaasi waano iyo caqli celin la daba taagan tahay maalin kasta” ayuu yiri Madaxweyne Xassan
Dhanka kale Madaxweyne Xasan wuxuu ku celiyay gogosha uu dhawaan u fidiyay mucaaradka si doorashooyinka looga heshiiyo,madaxweynaha wuxuu uga digay inay shacabka hubeeyaan si Dowlada looga hor yimaado.
“ma jirto sabab loo kala irdhoobo fadlan ka soo qeybgala gogosha, qofki haya aragti ka fiican gogosha ha noo sheego waan qadaneynaa” ayuu mar kale yiri Madaxweyne Xassan
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

