Madaxweynaha Somala Xassan Sheikh iyo Raisulwasaare Xamze oo Madaxtooyada kulan ku yeeshay ayaa ku dhawaaqay in dalku badbaada iyo go,aan qaran uu u baahanyahay.
Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa looga hadlay amniga guud ee Dalka la dagaalanka Alshabaab,doorashooyinka dalka iyo la dagaalanka Alshabaab.Labada masuul oo u yeeray saraakiisha Ciidamada ayaa qiray in dalka lagu soo duulay islamarkaana loo baahan yahay in midnimo lagu wajaho.
Sidoo kale masuuliyiinta waxay xuseen inay ka shaqeynayaan doorashada dalka iyo sidii looga heshiin lahaa khilaafka siyaasiga ee u dhexeeya Dowlada,siyaasiyiinta qaar iyo Maamul goboleedyada qaar.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA DAYNIILE.COM