MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Gen.Yuusuf Indha-cadde oo ka mida siyaasiyiinta iyo saraakiisha caanka ah ayaa ka hadlay arinta doorashooyinka ay isku hayaan Dowlada Somalia iyo siyaasiyiinta xukun doonka ah ee mucaaradka ah iyo dhankiisa labada qeyb halka uu aadayo.

Yusuf Indha-cadde oo wareysi siiyay idaacada Kulmiye ayaa gabi ahaanba meesha ka saaray inuu la safanayo mucaaradka islamarkaana uu qeyb ka noqon doono isbaheysiga bad-baado qaran2 oo la hadal hayo inay mucaaradku qorsheynayaan inay kaga hortagaan Dowlada Somalia ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xassan Sheekh.

Advertisement

“marna lagama yaabo inaan mucaarado oo aan qorey u qaato la dagaalanka Dowlada Xassan Sheekh”ayuu yiri Indhacadde

Sarkalkaan wuxuu cadeeyay in hadii uuba qorey qaadanayo kaliya uu u qaadanayo la dagalanka kooxda Alshabaab balse uusan u qaadaneyn inuu Dowlada Somalia kula dagaalamo.

Sidoo kale wuxuu cadeeyay xiligaan inuusan mucaarad iyo muxaafid midna ku jirin balse uu yahay sarkaal ama janan Soomaaliyeed oo xubin ka ah ciidamada Milateriga Somalia.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here