Gen.Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde) ayaa si kulul uga hadlay hadalo dhawaan ka soo yeeray siyaasiga reer Waqooyiga ee Faysal Cali Waraabe wuxuuna ku eedeeyay Maamulka Somaliland inay isla wada ogyihiin waxa uu ku hadlayo.
Yuusuf Indha-cadde mar uu soo hadal qaaday hadaladii gafka ahaa ee Faysal ka soo yeeray ayuu xusay in hadii maamulka Somaliland xiri waayaan siyaasigaasi inay cadeyneyso inay isla wada ogyihiin gafka.
Indha-cadde wuxuu carabka ku adkeeyay in Faysal Cali Waraabe yahay argagaxiye Alshabaab ka tirsan ,wuxuuna caalamka ugu baaqay inay ula macaamilaan sida argagaxisada loola macaamilo.
“Haddii uu maamulka Somaliland xiro Feysal Waraabe waxaan u qaadaneeynaa in dagaalku ku kooban yahay Feysal Cali Waraabe iyo intii Hargeysa nooga soo duushay, haddiise Feysal Cali Waraabe la xiri waayo, waxaan u qaadaneeynaa in dagaalka nalagu soo qaaday uu yahay mid guud oo beeshu ku mideeysan tahay” ayuu yiri Indhacade
Wuxuu su’aal geliyay Indhacade jihaadka xamar loo soo aadaayo ee aan ka jirin Hargeysa .
“Hargeysa reer Galbeed baa jooga,oo Itoobiyaan baa safaarad ku leh, inta xamar dumar qaawan joogaan baa xagana joogta,marka maxay tahay janada xamar taal oo aan hargeysa oolin, arintaasi calamaad su’aal ayay saareysaa reer Isaaq la yiraa ama maamulka Somalialnd” ayuu mar kale yiri Indha-cadde oo intaas ku daray
Dhanka kale wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamay murtad hargeysa aan joogin oo jooga Muqdisho.
“Haddii aanu C/raxman Cirro murtad aheyn Xasan Sheekh-na murtad maahan” ayuu yiri Yuusuf Indha-cadde
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM