Wasiirkii hore ee arimaha diobada Somalia Yuusuf Garad Cumar ahaana madaxi hore i Idaacada BBC-da laateeda aka Soomaaliga ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada wuxuu kaga sheekeeyay intuu ka yaqanay Allaha u naxariistee Wariye Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad oo ay labaataneeyo sano isla soo shaqeeyeen,
Hadaba qoraalka Yuusu Garaad oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-
aad ayaan uga murugooday geerida Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad oo Hargeysa ku geeriyooday. Allah Jannada ha ugu bishaareeyo.
Geeridiisa waxaan uga tacsiyeynayaa reer Shiikh Maxamed Siraad iyo ehelkooda, waxaa kale oo aan u tacsiyeynayaa saaxiibbada Cabdirisaaq.
Wuxuu ahaa waayo-arag deggan, akhyaar ah oo afkiisa laga nabadgalo.
Labaatameeyo sano oo aan wadashaqeynay, hal maalin oo keliya ayaan arkay isaga oo aan is iri qof ayuu ka gardaran yahay, tiina la xalliyay oo raalli-gelin ayuu ka bixiyay.
Wuxuu ahaa weriyayaasha ku wanaagsan war akhrinta iyo tarjumaadda Ingiriiska iyo Soomaaliga. Wuxuuna xiiso u hayay, xirfad gaar ahna u lahaa tebinta iyo falanqeynta cayaaraha.
Wuxuu ahaa nin qoyskiisa aad u jecel. Maalintii aan tagnay aaska xaaskiisii oo ahaa qabuuro ku yaalla London galbeed, wuu xakameyn kari waayay dareenkiisa. Xataa taagnida ayaa ku adkaatay oo waxaan arkay in uu i cuskanayo maaddaama aan is garab taagnayn.
Markiiba waan ka dhex saaray dadka waxaanan fariisannay kursi ay lugihiisu dhulka ku dhegsan yihiin meel aan ka fogeyn qabriga.
Aaska ka dib, annaga oo dhowr ah oo shaqaalaha BBC ah ayaan maalintaas Cabdirsaaq ka wadnay qabriga, oo makhaayad la fariisannay saacadood badan si aan ugu wehel yeelno.
Bishii Agoosto 2022 ayaan Hotel Maansoor ku wada shaahnay Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad, waana galabta isugu keen dambeysay.