TEL-AVIV (DAYNIILE.COM)-Warbaahinta Israel ayaa soo warisay in waaxda dhaqancelinta ee Wasaaradda Difaaca Israel ay hesho ilaa 1,000 qof oo cusub bishiiba kuwaas oo ku dhaawacmay dagaalada kala dhexeeya Dagaal-yahanada Xamaas.

Laga soo bilaabo Oktoobar 7, 2023, in ka badan 13,500 oo Israa’iiliyiin ah ayaa la dhaawacay oo la dhigay in lagu daweynayo waaxda baxnaaninta, sida Israa’iil ay ku baahisay baraha bulshada.

Advertisement

Kuwa dhaawaca ah, 51 boqolkiiba waxay da’doodu ka yar tahay 30 sano iyo 43 boqolkiiba wadarta guud waxay la tacaalayaan “falcelin nafsiyeed”, ayuu yiri baahinta.

warkaan ayaa ku soo aadaya xili asbuucaan Israa’iil qiratay in dagaalka Gaza looga dilay 40 askari 24 saac gudahood inkastoo inta badan Yuhuuda lagu yaqaan inay qarsadaan jabkooda.

XAIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMThe Israeli army evacuates its soldiers who were wounded in battles in Gaza via a helicopter for medical treatment at Beilinson Hospital near Tel Aviv, Israel on December 18

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here