Sida aan xogta ku helay waxaa maanta lagu waday in uu guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda maamulka gobolka Banaadir Ciise Guure uu dhagax dhigo xarunta waaxda saddexaad Horseed ee degmada Wartanabadda, si dib u dhis loogu sameeyo xaruntaasi.

Advertisement

Xilli la sugayay in guddoomiye Ciise Guure yimaado xarunta waaxda ayna goobtaasi joogeen masuuliyiin katirsan maamulka degmada, ayaa waxaa goobta si keddis ah ku yimid guddoomiye kuxigeenka Amniga ee maamulka gobolka Banaadir Yabooh, kaa oo amray masuuliyiintii iyo dadkii kale ee goobta joogay in meesha isaga tagaan wax dhagax dhig la yiraahdana uusan jirin.

Yabooh , ayaa si cad u sheegay in xarunta Waaxda uu guddoomiye Madaale ka iibsaday ganacsato kasoo jeeda beesha Yabooh u dhashay, waxa uuna xusay in dhulkan uu hadda yahay goob ganacsato la siiyay ayna jirin wax xarun dowladeed ah oo laga dhisayo.

Guddoomiye Ciise Guure oo usoo socday xarunta waaxda Saddexaad ee Wartanabadda si uu u dhagax dhigo ayaa lagu wargaliyay in Yabooh amray in aan la dhagax dhigi karin, dib ayuuna ugu laabtay xafiiskiisa.

Xarunta waaxda seddexaad ee degmada Wartanabadda oo kutaalla xaafada Xararyaale ayaa la sheegay in si hoose looga iibiyay ganacsato, waxaana tallaabadaasi si xooggan uga horyimid dadka deegaanka iyo dadkii asal ahaan dhulkaasi bixiyay.

Gacal Ayman

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here