Itoobiya iyo Soomaaliy a

Waxaa aad u soo kordhaya xiisada diblomaasiyaadeed ee u dhexeysa Dalka Muslimka ah ee Soomaaliya iyo Xabashida Itoobiya kaasoo meeshii ugu sareysay gaaray kadib markii dhawaan uu burburay wada hadal Turkigu ka dhex waday labada Dal.

Advertisement

Waxaa jirta sheekooyin Warbaahinta la isu mariyo oo ah luuqad Diblomaasiyaasadeed oo walibana shacabku in badan oo ka mida aysan fahmi karin tusaale ahaan Xasan iyo Abiy Axmed mid kasta marka uu hadlayo wuxuu dunida u muujiyaa in dalkiisa dhibaato lagu yahay oo ay doonayaan in dunidu wax ka qabato.

Madaxweyne Xasan Sheekh luuqadaha inta badan uu isticmalo waxaa durba Soomaali badan ay u fahmeen inuu jileec muujinayo sidaas badalkeedana waxay jeclaaan lahaayeen inuu luuqad adag isticmaalo laakiin diblomasiyada saas maaha.

Abiy Axmed oo xoogaa marka Soomaaliya loo eego la aaminsan yahay xiligaan inuu ka ciidan  iyo tayo badan yahay Soomaaliya warkiisii ugu dambeeyay ee uu saxaafada la wadaagay wuxuu ku hadlay luuqad diblomaasiyaadeed isagoona yiri cidna kalama gor-gortami doono madax banaanida Itoobiya ,ujeedka hadalkiisa waa inuu caalamka u tuso in isaga weerar ay ku yihiin Masar iyo Somalia oo wada jira, ogowna Masar iyo Somalia labadaba isagaa dhibaata ku haya.

Xasan Sheekh sidaas oo kale ayuu mar kasta caalamka wuxuu u tusaa in Itoobiyaanku weerar ku yihiin madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya , wuxuu ku celceliyaa in Itoobiyaanka ay ka rabaan darisnimo ,ayna rabaan inay amniga soomaaliya kala sii shaqeeyaan, sidoo kale wuxuu ku celceliyaa inay Itoobiya diyar ula yihiin inay kala shaqeeyaan sidii ay Bada soomaaliya ku soo gaari lahayeen  lakiin kaliya ay raban inay maraan shuruucda caalamka isticmaalo, tusaale sida hadaba Itoobiya ku gaarto badda Jabuuti.

Itoobiya heshiiskii ay la gashay Maamulka Somaliland waxay ka dhigayaan marka ay luuqada diblonmaasiyadeed isticmaalayaan inay dhul badeed kireysanayaan laakiin sheekadu saas maaha oo waxaa heshiiska ku jira inay saldhig milatarina ka furtaan Lug-haye oo ka dhaw xuduuda Itoobiya.

Si kastaba waxaa hada aad ugu horeeya luuqadaan isticmalkeeda Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo Dunida si fiican u tusay damaca Itoobiya taasoo keentay Abiy inuu hadalo adag isticmaalo markii uu ogaaday in looga gacan sareeyo.

Madaxweyne Xasan Shirkii Shiinaha ee ugu dambeeyay wuxuu si cad mar kale u diiday inuu la fariisto oo lagu sawiro Abiy Axmed oo intaasi mudo raadinaayay taasoo hada guusha diblomaasiyadeed siisay Soomaaliya.

QORRE: WARIYE C/FATAAX MUXUMED SALAAD (DIYEESHE)

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here