Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa halkooda ka sii wada weerarada ay ku hayaan Maraakiibta marta Badda Cas xili xulufasda Mareykankuna dagaal kula jiraan kooxdaasi.

Jimcihii shalay ayay kooxda Xuutiyiintu weerar culus ku qaadeen markab watay calanka dalka Liberia kadib markii ay gantaalo badan ku rideen.

Advertisement

War ka soo baxay Hey’ad arrimaha badaha ayaa lagu shaaciyay in markanka Liberia uu ka badbaaday shan gantaal xuutiyiintu la beegsadeen markaba.

Sidoo kale kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegatay inay  beegsadeen saddex markab kale oo  laba ka mida ay marayeen badda Mediterranean-ka.

Dagaal-yahanada reer Yemen ee Xuutiyiinta waxay marar badan ku cel-celiyeen hadana sheegeen inay weeraradaan ku garab taagan yihiin dagaalyahanada Xamaas oo dagaal kula jirta Israa’iil kuwaasoo iyaguna shacabka reer Gaza habeen iyo maalin xasuuqa.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here