A Terminal High Altitude Area Defense (THAAD) interceptor is launched from the Pacific Spaceport Complex Alaska during Flight Experiment THAAD (FET)-01 in Kodiak, Alaska, U.S. on July 30, 2017. Picture taken on July 30, 2017. Courtesy Leah Garton/Missile Defense Agency/Handout via REUTERS ATTENTION EDITORS - THIS IMAGE WAS PROVIDED BY A THIRD PARTY.

SANCA (DAYNIILE.COM)-Shirkada Thaad ee Mareykanka laga leeyahay  ayaa la soo warinayaa inay ku fashilantay dhamaan nidaamkii difaaca ee ay u sameeyeen Israa’iil xili kooxda Xuutiyiinta Yemen wali duqeyn ku hayaan Yuhuuda.

Advertisement

Sarkaal ka tirsan Xuuthiyiinta ayaa shaaciyay in Mareykanku ku fashilmay nidaamkii difaaca uu u sameeyay Israa’iil islamarkaana awoodi wayeen inay ka hor tagaan weerarada ay ku qaadaan Yuhuuda.

Shirkadda THAAD ee Maraykanka ayaa Yuhuuda siisay Gantaalada looga hortago weerarada dhanka cirka uga yimaada Yuhuuda balse maalmihii ugu dambeeyay waxaa soo wajahay fashil markii ay awoodi waayeen inay hawada ku bur buriyaan gantaalada ka imaanaya Koxda dagaalyahanada Xuutiyiinta.

“Gantaalkii ugu dambeeyay ee Yemen laga soo riday xili habeenimo ah oo lala beegsaday Israa’iil ayaa muujinaya guul-darradii ka soo gaartay ciidamada Mareykanka ee nidaamka difaaca ee Terminal High Altitude Area (THAAD)” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Xuutiyiinta

“Maalin kasta oo cusub oo soo marta nolosha gardarradan Gaza waxay la macno tahay horumarinta hubka Yemen iyo guul-darrooyinka kale ee Sahyuuniyadda iyo Maraykanka,”

Nasruddin Amer, oo ah xubin sare oo ka tirsan maamulka warbaahinta Xuuthiyiinta ayaa carabka ku dhutay mar kasta oo ay sii socoto gardarada Yuhuudu ku heyso reer Gaza inay la macno tahay horumarinta hubka Yemen iyo guul-darrooyinka soo gaaraya Sahyuuniyadda iyo Maraykanka.

“Israa’iil waa in ay ogaataa in uusan jirin nidaam la isku halleyn karo oo ka ilaalin karo gantaallada ku socda xawaaraha sare,  sidaas darteed waa in ay joojisaa dagaalka Gaza” ayuu mar kale yiri Nasruddin Amer oo u hadla dagaal-yahanada Xuutiyiinta.

Milateriga ayaa sheegay in isku daygii hore ee uu fashilmay xalay, taasoo u sahashay gantaalka Xuutiyiinta inuu galo hawada Israa’iil,waxayna sheegeen in la baarayo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here