Kooxda Xuuthiyiinta ayaa sheegay inay ku weerareen saldhiga ciidamada cirka ee Nevatim ee Israa’iil iyaga oo adeegsanaya gantaal nooca balaastikada ah.
Afhayeenka militariga Xuuthiyiinta, Yahya Sariic, ayaa sheegay in kooxda Xuutiyiinta Yemen ay saldhiga Nevatim la beegsadeen gantaalka ballistic ah ee loo yaqaano Falastiin-2.
Waxa uu intaa ku daray in Xuutiyiintu ay ballaadhin doonaan beegsiga ay beegsanayaan Israa’iil haddii ayna joojin dagaalka Qasa.
Militariga Israa’iil waxay dhankooda sheegeen in gantaalka Xuuthiyiinta lagu soo riday nidaamka difaaca hawada ee Arrow isagoo ku jira hawada Sacuudiga.
Advertisement