Muqdisho-Soomaaliya Octoober 09, 2024: Xarunta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS ayaa maanta lagu qabtay xuska maalinta Boostada Adduunka 9-ka Oktoobar oo ku beegan Sanad guuradii 150-aad ee Aasaaska Ururka Boostada Adduunka, kuna aadan 65 sano guurada markii Soomaaliya ay xubin buuxdo ka noqotay ururkaas.

Munaasabadda Xuska waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xildhibaan Maxamed Aadan Macalin Cali ( Soomaali ), Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cabdicasiis Duwane Isaaq, Agaasimaha Waaxda Boostada Soomaaliya Siciid Axmed Xasan (Saciid Qaal) iyo howlwadeenada Boostada.

Wasiirka Isgaarsiinta Xildhibaan Maxamed Soomaali oo ka hadlay xuska maalinta Boostada ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyey in sanadka danbe ay toos Dibadda ugu dirsan karaan waxyaabaha ay doonayaan.

Maalinta Boostada Adduunka waxaa looga dhawaaqay Shirweynihii Midowga Boostada Adduunka ee lagu qabtay magaalada Tokyo ee dalka Japan, ujeeddka laga leeyahay xuskana ayaana ah sidii loo kordhin lahaa wacyigelinta dadweynaha ee kaalinta ay boostadu ku leeyahay horumarka dhaqan-dhaqaale ee dal kasta.
May be an image of 14 peopleMay be an image of 3 people and suitMay be an image of 9 people and textMay be an image of map and textMay be an image of 3 people, beard and suitMay be an image of 4 people, people studying, glasses and textMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 4 people, suit, dais and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 10 people and textMay be an image of 1 person, newsroom and textMay be an image of 4 people and textMay be an image of 4 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here