Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo uu wehliyo Kusimaha Ra’iisal Wasaaraha ahna Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka XFS, mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa galabta ka qeyb galay xuska 102-aad ee Maalinta Jamhuuriyadda Turkiga, oo lagu qabtay xarunta safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadan ayaa waxaa lagu xusaayay taariikhda dheer iyo guulaha Turkiga ka gaaray horumarka iyo dowlad-dhisidda tan iyo markii ay noqotay jamhuuriyad.

Advertisement
Guddoomiyaha golaha Shacabka iyo Ra’iisulwasaare ku xigeenka XFS oo khudbado ka jeediyay munaasabaddaan ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka iyo dowladda Turkiga, iyagoo ku ammaanay dadaalkooda ku aaddan horumarinta dowladnimada iyo kaabayaasha dhaqaalaha, waxana ay xuseen in Turkiga iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir saaxiibtinimo iyo mid walaaltinimo oo soo jireen ah, kaas oo ku dhisan is-ixtiraam, iskaashi, iyo taageero is-dhaafsi.
May be an image of 1 person and daisMay be an image of 5 people and textMay be an image of 3 people, wedding and textMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 2 people and textMay be an image of 3 peopleMay be an image of 3 peopleMay be an image of 10 people, submarine and textMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 7 peopleMay be an image of 7 peopleMay be an image of 3 people, wedding and textMay be an image of 2 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here