MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirkii hore ee Amniga Somalia Xasan Xundubey oo wareysi siiyay TV-ga Dalsan ayaa ka hadlay dhaliilaha Somaalidu u jeedisay Beesha uu ka soo jeedo ee Abgaal kaasoo ah inuusan dhab ka ahayn dagaalka looga soo horjeedo Alshabaab.
Wasiir Xunudubey wuxuu sheegay in dagaalka ay ku wada jiraan Ciidamada Somaliweyn balse Abgaal maadaama deegaankoodii uu yahay shabellaha dhexe ay yihiin xoojin oo kaliya.
Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday diyaar garowgooda ka beel ahaa wuxuuna sheegay inay dagaalka kala hadleen madaxda hada reerka u waaweyn sida Shariif,iyo Cali Guudlaawe dhamaantoodna isku afarteen inay wada jir isula shaqeeyaan.
“Shariif Sh,Axmed isagaa hogaamin doona dagaalka Sh.dhexe haduu ka yimaado cimrada taasna diyaar ayuu u yahay”ayuu yiri Xundubey
Dhanka kale wuxuu ka hadlay kulankii Caddale ay beeshu kula yeelatay Madaxweynaha Somalia iyagoona isla gartay in dagaalka Alshabaa si wada jir ah Dowlada iyo reerku isaga kaashtaan iyadoo aaney jirin wax khilaaf ah.
“way iska jiraan xarig jiid u dhexeeya beesha abgaal dhexdooda laakiin haloo qaato is canaan walaal oo kaliya,balse waxaan kuu sheegayaa in reerku dhawaan wada-jir ku howlgalayo”ayuu yiri Xasan Xundubeey.
Mar wariyuhu wax ka weydiiyay sababta Dowladu xooga u saartay dhabeelaha dhexe ayuu kaa jawaabay Xasan xundubeey in labada shabeele yihiin meelaha laga waardiyeeyo caasimada sidaasna Dowladu xooga u saartay balse madaxweynuhu uu xil ka saaran yahay dalka oo dhan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM