MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wiilasha Soomaaliyeed ee Kubada cagta Xulka qaranka 17-jirada ee difaacanaya koobka Cecafa U-17 aya maanta u safray dalka Uganda.
Ciyaartoyda waxaa la socda macalinka,ku xigeenadiisa iyo masuuliyiin Sports iyadoo rajada ugu weyn ee Soomaalida ay tahay inay wiilshaasi soo difaacdaan koobka Cecafa U-17.
Advertisement
Macalin Nuur Amiin oo xulkaan 2022-kii ku hogaaminayay guul taariikhi ahaa markii uu koobka ku guuleystay ayay Soomaaliu aad ugu farxeen,waxaana ciyaartoyda iyo macalimiintaba xaflad sharafeed u sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu dhowr bilpood uun xilka hayay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement