Ra’iisul Wasaare ku-Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalam Cabdi Cali, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray caasimaadda KMG ah,ee Maamul Gobolleedka Koonfur-galbeed, ee Baydhabo.
Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed iyo boqolaal shacab ah ayaa si diirran usoo dhaweeyay wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda DanQaran.
Wasiiradda ka mid ah Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku xigeenka waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, iyo Xanaanada Xoolaha.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka iyo wafdigiisa oo xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa diiradda lagu saaray qorshaha Xukuumadda ee ku aaddan dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo dhinacyada amniga iyo dib-u-xoreynta deegaannada Koonfur Galbeed ay kaga sugan yihiin kooxda Shabaab, si loo xaqiijiyo amniga guud ee dalka.