=XIGASHO BBC SOMALI=
Xukuumadda cusub ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka hadashay heshiiskii ay Ankara ku gaareen madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysal wasaaraha Itoobiya.
Xisbiga haya talada Somaliland ee Waddani, ayaa sidoo kale ka hadlay waxyaabaha mudnaanta u ah ee ay qabanayaan 100-ka maalmood ee u horreyya muddo xilkeedkooda iyo sida ay u kala horeysiinayaan qorshahooda waxqabad.
Afhayeenka Xisbiga Waddani Maxamed Faraax Cabdi, oo u warramay BBC-da ayaa sheegay in waxyaabaha ay mudnaanta siinayaan ay mid tahay nabadeynta Gobollada bariga, Caafimaadka iyo dhismaha Waddooyinka.
Waxa kale oo uu ka hadlay aragtida Xisbigooda ee ku aadan Kulankii Ankara ku dhex maray Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Somalia iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya.
Waxa Somaliland uga qorsheysan kulankii Ankara
Iyadoo ay xukuumaddu cusubtahay isla markaana la caleema saaray maalin uun kadib markii uu dhacay heshiiskii Ankara, hadanna Somaliland waxa ay ka hadashay waxa uga qorsheysan heshiiskaasi iyo si guud isfahamkii ay horay ugu heshiiyeen Somaliland iyo Itoobiya.
“Heshiiska ka dhacay Ankara waxba inagama khuseeyaan, waa labo dal anagnuna waxan nahay Somaliland, haddii ay heshiinayaan waa labo dal oo walaalo ah, in ay is raacaan oo heshiiyaan oo sheekeystaan waa iska caadi waxba nagama khuseeyaan”, ayuu yiri Afhayeenka Xisbiga Waddani Maxamed Faraax Cabdi.
Dhinaca kale waxa uu ka hadlay moqifka ay xukuumaddu ka leedahay heshiiskii is-faham ee ay horay uwada galeen Somaliland iyo Itoobiya.
“MOU-ga Itoobiya anagu ma aynaan arag oo xukuumaddu hadda ayey talada la wareegtay, wan arki doonnaa, marka la arko ee la derso haddii ay danta Somaliland kujirto waa laga shaqeyn doonaa, haddii aysan danteenna kujirinna laga shaqeyn mayo, marka waxaynu sugi doonnaa in aynu aragno kaddib ayaan go’aan laga gaari doonaa”, ayuu yiri.
Maxay dowladda Soomaaliya ka tiri heshiiska ka dhacay Ankara?
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay heshiskii Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku gaareen magaalada Ankara ee dalka Turkiga, heshiiskaas oo ay dowladda Turkiga ku tilmaantay in uu yahay mid taariikhi ah.
Wasiirka ayaa sheegay in heshiiskani uusan ahayn mid bad lagu siinayo Itoobiya ee uu yahay mid Itoobiya ay qaab ganacsi ugu faa’ideysanayso biyaha Somaaliya taasi oo ah sida uu sheegay mid waafaqsan shuruucda caalamiga ah.
“Arrintani ma aha mid cusub, waxaa jira caadiyan dalal isticmaala dekedaha dalalka ay deriska yihiin sida kuwa Mombasa iyo Daarusalaam, haddii ay timaaddo arrimo ganacsina Soomaaliya diyaar ayey u tahay”.
Dhinaca kale waxa uu sheegay in heshiiskii dowladda Itoobiya ay la gashay Somaliland uu gebi ahaanba bur-buray taas oo dad badan shaki geliyeen caddeyntiisa.
“Dabcan waxaa muuqata in si khalad ah loo fahmay warsaxaafadeedka, waxaa ku qorneyd in dhamaanba laga tagay wixii hore taas oo muujineysa in uusan jirin heshiis hore”, ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys.
Muxuu ka dhigan yahay baaqa Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya?
Haddaba Waddadee loo marayaa in laga miro dhaliyio qodobbadii ay labada dhinac isku afgarteeen. Maxamed Mukhtaar wuxuu falanqeeyaa arrimaha Soomaaliya iyo gobolka, wuxuuna qabaa in haddii arrimaha Soomaaliya walaaca ku hayey ay meesha ka baxeen ay macquul tahay inay suurtogasho.
“Soomaaliya laba qodob ayaa muhiim u ahaa. Kan hore waa in heshiisku noqdo mid qaranka Soomaaliya oo dawladda federaalka ay matalayso looga dambeeyo oo aan wax aqoonsi la yiraahdo lagu beddelan, iyo in uusan meesha soo gelin saldhig milateri. Itoobiyana waxay danaynaysay in ay hesho marin badeed ay isku hallayn karto oo joogto ah, labada dhinacna guul ayey u tahay,” ayuu yiri.
=XIGASHO BBC SOMALI=