Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallim Maxamuud, ayaa soo xiray Kulan howleedka maqaamka caasimadda ee hanaanka dib-u-eegista Dastuurka, oo shalay iyo maanta Muqdisho ka socday.

Kulan howleedka maqaamka caasimadda ee hanaanka dib-u-eegista Dastuurka, ayaa labadii maalin ee uu socday waxaa looga dooday xulashooyinka miiska saaran ee maqaamka caasimaddu yeelaneyso oo kala ah: A) gobal Caasimad ah oo hoosyimaada dowladda Federaalka ah, B) Caasimad dowlad gobaleed ah iyo C) Caasimad ku dhex taal dowad gobaleed, waxaana ka qeyb galayaashu ay soo jeediyeen talooyin wax ku ool ah oo qeyb ka noqda talooyinka bulshada laga aruurinayo.

Wasiiru-dowladda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Marwo Muumino Sheekh Cumar Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), iyo guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobalka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Feysal Aadan Xasan ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda xiritaanka kulan howleedka Maqaamka Caasimadda Muqdisho ee hanaanka dib-u-eegista Dastuurka.
Duqa Muqdisho oo kalimad ka jeediyay xiritaanka kulan howleedka ayaa wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka XFS ku boogaadiyay dadaalka uu ugu jiro iyo qabsoomidda kulan howleedkaan diirada lagu saarayay hanaanka Maqaamka Caasimadda, waxuuna adkeeyay baahida shacabka Caasimadda iyo Gobolka Banaadir ay u qabaan dhameystirka Dastuurka, maqaamka caasimadda iyo metelaad siyaasi ah.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin oo sheegay in xukuumadda Dan-qaran iyo Madaxda ugu sareysa dalka ay ka go’an tahay sidii loo dhameystiri lahaa Dastuurka, oo ay qeyb ka tahay asteynta maqaamka caasimadda, ayaa yiri, “Waxaa jira ka go’naasho siyaasadeed, waxaana xukuumadda iyo guud ahaan madaxda sare ee dalka ka go’an in Dastuurka la dhammeystiro, dastuurkuna ma dhammeystirmayo iyadoo maqaamkii Muqdisho iyo metelaadiisa aan meel la saarin, maadaama Caasimadda, Maqaamkeeda iyo meesha la dhigi doono ay kamid tahay arrimaha masiiriga ah ee la doonayo in go’aan laga gaaro”.

Kulan howleedka ayaa qeyb ah kulamada joogtada ah ee wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurku ay bulshada kala yeelaneyso cutubyada dasuurka ee dib-u-eegistu ku socoto, waxaana jiri doono kulamo kale oo muhiim u ah geeddi socodka hannaanka dib-u-eegista dastuurka.
May be an image of 1 person, newsroom, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 6 peopleMay be an image of 6 people, newsroom, dais and textMay be an image of 10 people, table and daisMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 5 people and suitMay be an image of 1 person, studying, dais and textMay be an image of 7 people and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here