Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa shalay kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, isaga oo ku bogaadiyay shaqaalaha Wasaaradda bandhiggooda guulaha diblimaasiyadeed ee Soomaaliya iyo dadaallada lagu xoojinayo kaalinta Soomaaliya ee saaxadda caalamka.
Mudane Saalax, ayaa ammaanay doorka muhiimka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay ka qaadanayso horumarinta siyaasadda dibadda ee dalka iyo dadaallada joogtada ah ee lagu adkaynayo xiriirrada gobolka iyo kuwa caalamiga ah.
Intii uu kormeerka ku guda jiray Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, ayaa waxa uu Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Ahmed Moallim Fiqi, faahfaahin ka bixiyey taariikhda iyo dib-u-habeynta Wasaaradda. Wasiirka ayaa tilmaamay guulo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin dib-u-howlgelinta Machadka Diblumaasiyadda, si loo dhiso awoodda diblumaasiyadeed ee dalka iyo dib-u-habaynta waaxyaha Wasaaradda, isla markaana kor loogu qaado hufnaanta iyo waafajinta mudnaanta Qaranka.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay Wasaaraddu u leedahay geeddi-socodka dib-u-dhiska dowladnimad Soomaaliya, isagoo adkeeyay baahida loo qabo in la dhiirrigeliyo isku-filnaanshaha iyo horumar waara.
Advertisement