MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa maanta dil toogasho ku xukuntay Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Milatariga Guutada 27-aad, ururka 3-aad ee Abuu-dujaana.
Xukunka dilka waxaa ku dhawaaqay Garsoore Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah Guddomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.
Daa’uud Bashiir Colow ayaa Ramadaankii la soo dhaafay si bareer ah u dilay marxuum Sacad Cabdi Muuse kadib markii ay ku murmeen kala horeynta meel timaha lagu jarto oo ku taal Degmadda Dharkenleey ee gobolka Banaadir.
Maxkamdda Darajada kowaad ee Ciidamda qalabka sida ayaa 7-dii May ee sanadkaan waxay bilowday dhageysiga dacwada loo heysto dilaagaan taasoo ugu danbeyna fadhigii kale maanta dil ku xukuntay.
Daa’uud Bashiir Colow dilka ka soke waxaa sidoo kale lagu soo eedeeyay inuu baxsad ka ahaa goobtiisa shaqo oo ah Deegaanka Shabeeloow Gobolka Mudug, sidoo kale lunsasho hanti dowladeed, Qalgal gelin Goob ganacsi, Xatooyo Xoolo Ciidan iyo Jabin Xeerka xakameynta hubka caasimadda.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM