MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa isasoo taraya xiisad siyaasadeed oo ka dhex taagan xildhibaano u badan kuwii awalba mucaaradka ku ahaa hogaanka dalka iyo baarlamaanka taasoo cirka isku sii shareertay markii mid ka mida xildhibaanada mucaaradka uu xasaanada ka qaaday gudoomiye Aadan Madoobe.
Xildhibaano la sheegay inay boqol gaarayaan ayaa maanta waxay shir ku yeesheen Muqdisho iyagoona muujiyay sida ay uga soo horjeedeen hakadka ku yimid kulamadii Baarlamanka iyagoona ku eedeeyay gudoomiye Aadan Madoobe inuu xirtay.
Warsaxaafadeed ay shirkooda ka soo saareen ayay ku muujiyeen in Gudoomiye Aadan Madoobe uu ku xad-gudbay shuruucda u taal Baarlamaanka sida xeer-hoosaadka,sidoo kale waxay ku adkeysteen mooshinka ay ka keeneen Gudoomiyaha.
Xildhibaanadaan ayaa aamisan in Gudoomiyuhu ka baqayo mooshin isaga ka dhan ah oo xilka looga qaadayo sidaas daraadeed uu u xirey fadhiyadii Baarlamaanka.
Gudoonka ayaa isna aaminsan in Xildhibaanada qaarkood laga wadi waayay fadhiyada baarlamaanka.
Xildhibaanada Mucaaradka hada waxay shaaciyeen in hadii uusan Gudoomiyuhu dib u furin shirarka inay hoteelada Muqdisho ku dooran doonaan Gudoomiye kale taasoo xiisada uga sii dari karta hadii ay ku dhaqaaqaan inkastoo aysan wax sharciyad ah heysan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM