BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhexeysa maleeshiya beeleed iyo ciidamada booliiska Boosaaso ee Maamulka Puntland.
Xiisadaan ayaa salka ku heysa hub la sheegay in mid ka mida beelaha boosaaso ay lahayd ay qabteen booliiska taasoo keentay dagaal labada dhinac dhexmaray.
Xaafad ka mida Magaalada Boosaaso ayay maleeshiya beleedku xirteen taasoo xiisada sii kordhisay iyagoona la soo baxay hubkooda.
Dhanka kale waxaa jira Oday dhaqameedyada deegaanka oo xoogaa yara dejiyay xiisada kuwaasoo hada wararka qaar sheegayaan inay meleeshiyaadka ku qanciyeen in xiisada si hoose ay odayaashu u galaan xalna ka gaaraan waxa la isku hayo.
lama oga in odayaashu hubkooda usoo celin karaan maleeshiya beleedka taasoo aad ugu adkaan doonta.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM