SABIIB (DAYNIILE.COM)-Waxaa faah-faahino laga helayaa weerar qaraxyo ku bilowday oo kooxda Alshabaab saaka aroortii hore ku qaadeen deegaanka Sabiib oo ku dhaw Magaalada Afgoye ee Gobolka Shabeelaha hoose gaar ahaan xero ciidamada Dowladu halkaasi ku leeyihiin.
Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa qaraxyada kadib weerar fool-ka fool ah ku qaaday xerada ciidamada Sabiib ee ciidamada Dowlada halkaasoo uu labada dhinac ku dhex-maray dagaal xoogan.
Ciidamada Milateriga Somalia gaar ahaan kumaandooska Gor-gor oo halkaasi ku sugnaa ayaa la soo sheegayaa inay jilibka u aasteen weerarka kaga yimid kooxda Alshabaab iyadoo gurmadyana ay heleen markii danbe.
Kumaandooska Gor-Gor ayaa si adag uga hor tagay kooxda Alshabaab iyagoona ugu dambeyn dib isaga riixay Alshabaab iskuna fidiyay deegaanka Sabiib.
Dhanka kale qarax miino oo dhimasho sababay ayaa lala eegtay isla saaka aroortii gaari dagaal oo uu watay sarkaal sare oo ciidamada Gor-Gor ka tirsan kaasoo gurmad ahaan ugu socday deegaanka Sabiib ee dagaalku ka socday .
Qaraxa waxaa ku dhintay sida wararka qaar sheegayaan ilaa sedex askari oo uu ku jiro saraalka lagu magacaabo jareere oo ahaa abaan-duuliyaha guutada 14ka Oktobar inakastoo aan wali la xaqiijin dhimashada sarkaalkaasi, balse kooxda Alshabaab ayaa sheegteen inay qaraxa ku dileen sarkaalkaani.
Sarkaalka iyo ciidamada uu watay waxay miinada kula kacday deegaanka Aala-yaasir ee NO50.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM