HomeWarkiiXOGTA: Waxa kala qabsaday Alshabaab iyo ciidamo ka war helay meel ay...

XOGTA: Waxa kala qabsaday Alshabaab iyo ciidamo ka war helay meel ay hoobiyayaal ka tuurayeen

BUULO-XAAJI (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Jubaland ayaa sheegaya in maanta kooxda Alshabaab ay hoobiyayaal ku garaaceen deegaanka Buulo-Xaaji ee duleedka Magaalada Kismaayo halkaasoo ay gacanta ku hayaan ciidamada Dowlad Goboleedka Jubaland.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee guutada Birjeex oo roondo ku maqnaa islamarkaana ka ag dhawaa aagga lagta Caanoole ay ka war heleen goobta Alshabaabku hoobiyayasha ka tuurayeen halkaasna isku fara sareen.
Ciidamadaan Jubaland ayaa dhanka dambe kaga yimid kooxda Alshabaab sida aan xogta ku helnay xili ay ku jireen hoobiye tuurka.
Ciidamada Birjeex waxaa u suuragashay in ay howlgalkaasi ku soo qabtaan hoobiyihii la tuurayay halka sidoo kale kooxdii Alshabaabna ay mid ka dilaan.
Qoriga la soo qabtay oo ahaa nuuca Hoobiyaha loo yaqan iyo rasaastiisi iyo waliba kareeto ay damacsanaayeen in ay ku qaataan fadhiga qoriga iyo walxaha kale ayay la soo wareegeen ciidamada Jubaland.

 

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 5 people and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -