HomeWarkiiXOGTA: Wasiir Fiqi oo ka carooday hadal ATMIS ay ku taageereen Alshabaab...

XOGTA: Wasiir Fiqi oo ka carooday hadal ATMIS ay ku taageereen Alshabaab iyo hanjabaad uu u direy ninka xukuma Atmis”

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka arimaha dibada Somalia Axmed Maxamed Macalin Fiqi ayaa ka carooday hadal ATMIS ka soo yeeray kaasoo u muuqday inay ku taageerayaan Alshabaab.

Wasiir Fiqi ayaa si toos ah oo aan leex leexad lahayn wuxuu ugu janjabay ninka hada heysta ama xukuma howlgalka Atmis ee saldhigooda ugu weyni yahay xerada xalane oo ku dhagan Garoonka diyaaradaha Adan Abudlle internatinal Airport ee Magaalada Muqdisho.

Wasiir Fiqi wuxuu shaaciyay in xalane qoloda joogta isku jiraan oo ay bogaadinayaan Dowladaha iyo Hay’adaha Somalia taageera sida dhaqaalaha iyo hubka laakiin wuxuu xusay inay jiraan kuwo been faafiya oo alshabaab dacaayadaha u faafiya.

“waxaa jira kuwo mushaar u soo doontay somalia oo been faafiya kuwaasoo dhaya Alshabaabkii dabeecadihii bay iska badaleen oo sida dowladnimo ayay u dhaqmaan oo dadka ma dilaan, cadaadiskii waa joojiyeen,cunaqabateyntii waa qaadeen”ayuu yiri Wasiir Fiqi oo ula jeeday kuwa howlgalka Atmis magacooda ku jooga.

“waxa saas u hadlaya waxaa ka mid ah Ninka hada hogaamiya Atmis ee ah ku xigeenka ninka u sareeya balse hada ku simaha u ah,  koleey Talaabo ayay Dowladu ka qaadi doontaa”ayuu mar kale yiri Wasiir Fiqi

Sidoo kale Wasiir Fiqi wuxuu kashifay in ninkaan Atmis hada heysta uu shalay oo u danbeysay warbixino u kala gudbinayay UN-ka.

” warbixinada uu qorey waan arkeynay oo wasaarada arimaha dibada ayaa hada gacanta ku heysa”ayuu yiri Wasiir Fiqi oo carabka ku adkeeyay inay talaabo ka qaadi doonto Dowladu.

“sida aan u leenahay raga anaga nala dhashay oo ahaa madaxdeenii hore sida Ra’iisulwasaarayaal iyo madaxweynayaal hore aan isaga celino ayaan isaga celineynaa oo nin ajanabi ah haduu afka nala soo galo isagana waa iska celineynaa loo aamusi maayo”ayuu yiri Wasiir Fiqi

Wasiirka oo ka hadlayay shirkii Beelaha Hawiye ayaa ku soo gabagabeeyay warkiisa inay Alshabaab dagaal la galayaan sidaas oo kalana kuwa afkooda ku hadlana dagaalka la galayaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -