HomeWarkiiXOGTA: Soo laabashada Madaxweyne Xassan ee furimaha dagaalka iyo safar uu Turkey...

XOGTA: Soo laabashada Madaxweyne Xassan ee furimaha dagaalka iyo safar uu Turkey ku tagaayo

MUQDISHO(DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gelinkii danbe ee maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho isagoona ka yimid furimaha dagaalka Gobolka shabeelaha dhexe.

Madaxweynaha soo laabashadiisa oo ay ku soo aaday kadib markii maanta alshabab qabsadeen Degmada Masaajid Cali Gaduud oo ku dhaw  Magaalada Caddalle oo Madaxweynuhu ku sugnaa.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Madaxweyne Xassan safar ugu baxayo Dalka Turkey  khamiista beri ah inkastoo faahfaahin aan laga helin ujeedka socdaalkiisa balse wararka qaar ayaa sheegaya inuu  kala hadlayo Turkey arimo ku saabsan diyaaradaha dagaalka ee Somalia ay ka iibiyeen iyo sidii ciidamada cirka Somalia loo siin lahaa tababaro dheeraad ah.

Dhanka kale Madaxweynaha waxaa lagu wadaa inuu saraakiisha ciidamada Dowlada uu la qaadan doono kulan gaar ah oo looga hadlayo dagaalka Dowladu kula jirto Alshabaab  madaama maalmihii ugu dambeeyay Alshabaab soo kordhiyeen weerarada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -