Sirdoonada dhowr Dal oo caalamka ayaa isku raacay in hogaamiyaha xiligaan ugu sareeya kooxda Caalaiga ah ee Daacish uu yahay C/qaadir Muumin oo ah Soomaali sidaas oo kalana maamula kooxdaan qeybtooda Somalia.
Warbixin ay dhawaan soo saartay kooxda dabagalka cunnaqabataynta Qaramada Midoobay, kuna salaysan sirdoonka dowlado xubno ka ah Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay in si weyn loogu kalsoonaan karo in Khaliifka Daacish uu yahay Cabdulqaadir Muumin sida ay sheegtay idaacada VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ah.
warbixinadii hore ee sirdoonka taasoo ka soo baxday Qaramada Midoobe ayaa lagu cadeeyay in C.qaadir Muumin loo dalacsiiyay Hogaamyaha agaasimka guud ee laamaha Daacish taasoo awood u siineysa inuu maamulo kooxaha daacish ku xiran ee ka howlgala qaarada Afrika.
Tan iyo markii Daacish laga dilay laba hogaamiye sare sida Abubakar Albaqdaadi sanadkii 2019-kii iyo hogaamiyihii badalay oo isna la dilay 2022-kii kooxdaani ayaa isku dayday inay ilaaliso xogta hogaamiyahooda si ay u qariyaan aqoonsigooda.
Sidoo kale wadamo badan ayaa isku raacay in daacish isku dayayso inay la qabsato xaqiiqooyinka ka jira Ciraaq iyo Siiriya taasoo ku jiiday in saraakiishooda muhiimk ah iyo howlgaladoodaba loo raro meelo kale.
Arinta kale oo la yaabka leh ayaa ah in dalalka qaar is weydiinayaan Daacish ay ogolaaneyso inuu hogaamiyo qof aan si dhab ah u sheegan karin inuu ka soo jeedo firkii ama nasabkii Nabi Muxamed Salllaahu Caleyhi Wasalam taasi oo ah halbeega madaxdii hore ee kooxda Daacish.
Waqti xaadirkaan Kooxda waxay hogaamiyahooda ugu yeeraan Abuu Xafsa Al-haashimi Al-Qurashi taasoo ka dhigan inuu leeyahay dhalyadii ama nasabkii loo baahnaa.
Sida uu sheegay sarkaal sare oo qaramada Midoobe u qaabilsanaa dhanka la dagaalanka argagaxisada waxaa laga yabaa in Daacish dhahdo magaca Abuu Xafsa Al-haashimi Al-Qurashi ayaa ah kan aan u bixineyno hogaamiyaha ugu sareeya.
“qona waligiis ma ogaan doono inuu yahay nin Soomaali ah,qona waligiis ma maqli doono lahjada afrikaanka ah,qofna waligiis ma arki doono qof afrikaan ah”ayuu yiri sarkaalka QM.
Warbixinta waxaa lagu soo daray in hadii magaca Abuu Xafsa Al-haashimi Al-Qurashi uu yahay C/qaadir Muuminka Soomaaliya uu ugu yaraan hal mar ka bad-baaday isku day dil uu mareykanka la damacsanaa markii la duqeeyay bishii Bay ee sanadkii 2024-kii.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM